Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Koonfur Galbeed ay dib ula wareegeen degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, halkaasi oo ku dhowaad 20 cisho ay haysteen Xarakada Al-shabaab.
Dagaal kooban oo ka dhacay degmadaasi ayaa la sheegay in ciidamada Al-shabaab ay ku faarujiyeen degmadaasi, gelinkii dambe ee shalay.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo dagaalkaasi ka dhashay, iyadoo saakay xaaladdu tahay mid deggan.




From the comments