Ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya Michael Keating ayaa uga digay maamullada Galmudug iyo Puntland in ay jabiyaan heshiiska xabad joojinta ah ee sabtidi lagu saxiixay magaalada Galkacyo.
Michael Keating waxaa uu intaa raaciyay in lala xisaabtami doono ciddii ka baxda heshiiska, isla markaana ay mas’uuliyadda qaadi doonto wixii ka dhasha.
Mr. Keating waxaa uu soo dhaweeyay sida ay Guuleed iyo Gaas uga go’an tahay heshiiska laakin waxaa uu ku booriyay in muhiimadda tahay fulinta heshiiska.




From the comments