Shirkadda Duulimaadka hawada ee Air Djibuuti ayaa maanta duulimaadkii ugu horreeyey ka bilowada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyadoo si rasmi ah hada ka dib isaga kala gooshi doonto Muqdisho iyo Djibuuti si toos ah.
Waxaa la daah furay safarkii ugu horreyey ee diyaaradda kadib munaasabad ay ka soo qeyb-galeen mas,uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo safiirka Jamhuuriyadda Djabuuti u fadhiya Soomaaliya mudane Aadan Xasan Aadan kaasoo daahfuray munaasabadda.
Safiirkaa Djabuuti ufadhiya Soomaaliya mudane Adan ayaa waxa uu sheegay shirkadda duulimaadka AirDjibuuti in aysan ahayn shirkad cusub balse ay tahay ayuu yiri shirkad qadiimi ah oo shaqeyneysay tan iyo sanadkii 1963 isagoo intaa raaciyay in muhiimad gaar ah ay leedahay inay maanta ka bilowday duulimaadkeeda wadanka Soomaaliya.




From the comments