Munaasabad lagu dhagax dhigayay dhismaha wasaaradda dib u dejinta iyo barakacayaasha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Dhagax dhigga dhismaha wasaaradda waxaa ka qeyb galay madaxda maamulka Koonfureed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi.
Ku simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo ka qeyb galay ayaa sheegay in tani ay tahay mid la sugayay mid muddo ah maadaama wasaaradda ay qaabilsan tahay dib u dejinta qoysaska.




From the comments