U bood dhigaalka

Mareykanka: Maxkamad Xukun Ku Riddey Dhallinyaro Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukunno kala duwan waxa ay ku riddey dhallinyaro Soomaaliyeed oo horey loogu eedeeyey iney ku biiri rabeen ururka daacish ee ka dagaallama dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Maxkamadda ayaa ugu horreyn waxa ay xukuntay C/laahi Yuusuf oo 20 sano jir ah, waxaana lagu xukumay mudadii uu xabsiga ku jirey oo ahayd 2-sano, iyo 20 sano oo kormeer joogto ah lagu hayn doono, taasi oo ka dhigan in xabsiga uu bannaanka uga baxay.

C/laahi Yuusuf ayaa xabsiga la dhigey sanadkii 2014-kii kadib markii lagu eedeeyey inuu ku biiri lahaa dagaalyahannada ururka Daacish.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay xukun 30 bil oo xabsi ah iyo sidoo kale 20 sano oo Kormeer ah ku riddey C/risaaq Warsame oo isna la sheegay inuu ku biiri lahaa dagaalyahannada Daacish.

C/risaaq Warsame iyo C/laahi Yuusuf waxa ay qirteen eedeynta ah iney ku biiri lahaayeen Daacish, sidaas ayeeyna maxkamadda xukunkooda u fududeysay, sida uu sheegay xaakimka maxkamaddaasi Michael Davis.

Sidoo kale maxkamadda ayaa la sheegay in xukun 10 sano oo xabsi ah ku riddey Zakariye Yuusuf kadib markii uu diidey inuu ku marqaati furo dhallinyaradan sidoo kalena la shaqeeyo ciidamada Booliska.

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in sidoo kale maxkamaddan xukunno kala duwan ku riddo 6 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo iyaguna ku eedeysay iney ku biiri lahaayeen dagaalyahannada Daacish.

Dalka Mareykanka marar badan sidan oo kale waxaa xukunno kala duwan loogu ridey dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeynayo iney xiriir la leeyihiin Daacish iyo Al-shabaab.

Goobjoog News