Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono ayaa ku soo baxay doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya taasoo wax yar ka hor ka billaabatay magaalada Jowhar.
Maanta ayaa qorshaha uu yahay in Jowhar lagu doorto 13 ka tirsan aqalka hoose ee kamidka ah 37 xildhibaan ee ka imaanaysa dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Khajiira Diiriye Iyo Maxamed Qoono oo hadda ku guuleystay inay kamid noqdaan xildhibaannada cusub ee dowladda federaalka ayaa kamid ahaa xildhibaannadii hore.




From the comments