Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaaliyeed ee NUSOJ ayaa wax laga xumaado in Ahlu-sunna Waljameeca ay hawada ka saarto Idaacadda Galgaduud xarunteeda degmada Guriceel.
Xoghayaha ururkaasi Maxamed Ibraahim Macalimuu oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan laga war hayn sababta Idaacadda Galgaduud loo xirey, marka laga soo tago in qalabka oo dhan ay qaataan ciidamada Ahlu-sunna.
“Waa wax laga xumaado in habeen hore in ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca tageen xaruntii Idaacadda Galgaduud ee degmada Guriceel, islamarkaana ay qaateen qalabkii Idaacadda oo ciidanka dadka argagax ku rideen, waxay muujineysaa in weli halkaasi ay dhibaato weyn ka jirto oo xorriyada saxaafadda aanu ka jirin” ayuu yiri xoghayaha NUSOJ.




From the comments