U bood dhigaalka

Danjire Keating Oo Goobjooge Ka Ah Doorashada Aqalka Hoose Ee Baydhabo, Baay

Sheeko:War

Wararka ka imaanaya hoolka doorashada ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ku sugan yahay wakiilka Qaramada Madoobe u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

Danjire Keating ayaa ku sugan goobta doorashada aqalka hoose oo maanta lagu dooranayo illaa 6 kursi oo aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ah.

Kuraasta maanta la soo dooranayo waxaa ku jira kuwa haweenka waxaana kursigii ugu horreeyay ku tartamay illaa seddex musharrax oo haween ah dhammaantood kuwaasoo kala ah Xabiibo Maxamed Kheyr, Hani Maxamed Aadan iyo Muraayo Ibraahim Madeer waxaana ugu dambeyn ku soo baxday oo guuleysatay Hani Maxamed Aadan oo heshay 26 cod.

Danjire Keating ayaa joogitaankiisa maanta xarunta doorashada ee aqalka hoose ee Baydhabo waxay noqonaysaa doorashadii ugu horreysay ee uu korjoogto ka noqdo tan iyo intii ay magaalooyinka dowlad goboleedyadu ka billowdeen doorashooyinka baarlamaanka cusub.

Goobjoog News