U bood dhigaalka

Garoowe: Taliyaha Booliska Nugaal Oo Xilkiisa La Wareegay

Sheeko:Dalka

Iyadoo dhowaan taliyaha booliska Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg wareegto uu soo saaray uu xilka kaga qaaday taliyihii qeybta booliska gobolka Nugaal G/sare  Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Qaaqaan ayaa waxaa maanta xilkaasi la wareegay taliyaha cusub ee booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Cabdirashiid Maxamed Yuusuf Xinjira-dhuuq.

Kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland ayay taliyihii hore Qaaqaan iyo midka cusub Xinjiradhuuq ay xilalkii ku kala wareegeen.

Munaasabadda xil wareegta waxaa ka qeyb galay masuuliyiin isugu jira heer wasiir, taliyaha booliska Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada maamulka Puntland.

Taliyihii hore ee booliska gobolka Nugaal Qaaqaan ayaa sheegay in wax badan ay u qabsoomeen intii uu ahaa taliyaha booliska shaqo badanna ay u harsan tahay.

Hadallo u badan bogaadin ayaa munaasabadda laga jeediyay uu taliyaha xilka kula wareegayay waxaana ugu dambeyn madasha ka hadlay taliyaha cusub ee booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Cabdirashiid Maxamed Yuusuf Xinjira-dhuuq isagoo ka sheekeeyay waxa uu qaban doono.

Wuxuu sheegay in ammaanka uu gacan bir ah ku qaban doono islamarkaana lagu gacan siiyo si shaqada ay u wanaagsanaato.

Ugu dambeyn, taliyaha booliska Puntland G/sare Cabdirashiid Faarax ayaa taliyaha cusub ee Nugaal kula dardaarmay inuu shaqadiisa u guto sida ugu wanaagsan.

Goobjoog News