Xafiiska Qaramada Midoobay ee xiriirka arrimaha bini’aadannmida OCHA ayaa walaac ka muujisey abaaraha ka jira qaar kamid ah gobollada Soomaaliya.
OCHA ayaa sheegtay in Lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay jirtey koror ku yimid xadiga abaarta Soomaaliya, sidoo kalena ay soo bateen dadka ka cabanaya raashiin la’aan 20%.
Sidoo kale waxay sheegtay OCHA iney jiraan caruur badan oo nafaqo daro ku haysato Soomaaliya, kuwaasi oo u baahan gurmad dhan walbo leh.




From the comments