Ra´iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, ayaa ku guuleystay inuu kala qaado ciidamada labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo isku hor fadhiyay in muddo ah Xaafado kamid ah magaalada Gaalkacyo.
Ra´iisul Wasaaraha oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa heshiis kala dhex dhigay hoggaamiyeyaasha labada dhinac, waxayna labada hogaamiye ee Galmudug iyo Puntland isla ogolaadeen inay qaataan heshiis, isla markaana ay kala qaadaan ciidamada labada dhinac.
Ra´iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen labada madaxweyne ee maamulada Galmudug iyo Puntland Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdweli Maxamed Cali, waxaana sidoo kale ku wehlinayay saraakiisha ciidamada labada maamul.
Ra´iisul Wasaaraha oo tagay jiidaha hore ee ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ayaa u sheegay saraakiisha ciidamada in la joojiyo dagaalka isla markaana dib ay ugu laabtaan goobihii ay markii hore ka soo dagaal tageen.




From the comments