Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Madoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa goor dhow diyaarad uu la socday ay ka dejisay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Danjire Micheal Keating oo shalay ku sugnaa xarunta doorashada ee magaalada Baydhabo ayaa maanta gaaray Jowhar waxaana warar la helayo ay sheegayaan in arrimaha doorashada aqalka hoose wax ku saabsan uu halkaas u gaaray.
Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa ku warramaya in Danjiraha uu la kulmi doono Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.




From the comments