Guddiga doorashada dadban ee dowlad goboleed-ka Jubbland ayaa tartanka xildhibaannimo ka istaajiyay Maxamed Mukhtaar Ibrahim oo ah Wasaaradda Batroolka & Macadanta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale istaajiyay doorashada ilaa waqti aan la cayimin.
Eedeymaha Ay guddiga Ku Heystaan Wasiirka waxaa ka mid ah:
- In Murashaxa Maxamed Mukhtar Ibrahim uu jabiyay qawaaniinta iyo anshaxa doorashada uu horey u saxiixay.
- In murashaxa uu isku dayey in uu laaluusho guddiga doorashada dadban ee Jubbaland
- In uu Hotel AGAN isugu geeyay 29 ergo, isagoo siiyay lacag, una ballan-qaadey in uu siin doono Lacag kale marka doorashada dhamaato.
- In uu Laaluushay xubno ka tirsan hey’adaha ammaanka, taasi oo khalkhalgelisay goobta doorashada, keentana in doorashada dib loo dhigay ilaa waqti dambe.
- Waxaa uu iska horkeeney howl-wadeennada doorashada iyo hey’adaha ammaanka.
- In ergadii la soo xareeyay qasan goobta looga saaray, kaararkiina ay sidaa kula tageen
Dhinaca kale, guddiga doorashooyinka dadban ee federaalka ah oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay sheegeen in ay warqadda soo gaartay isla markaana ay baarayaan eedeymaha la sheegay in wasiirka lagu heysto kadibna ay go’aan ka soo saari doonaan in wasiirka uu tartamayo aqalka hoose iyo in kale, guddiga ayaa sidoo kale qiray in arrintan ay sababtay dib u dhaca doorashada.




From the comments