Salaad roob doon ah ayaa maanta lagu tukaday magaalada Garoowe ee caasumadda maamulka Puntland.
Isu soo baxa roob doonka waxaa ka qeyb galay dadweyne fara badan iyo madaxda maamulka Puntland iyo culumo awdiinka degaanka.
Madaxweynaha maamulka Puntland iyo bulshada degmada Garoowe ayaa waxay duleedka Garoowe ku tukadeen Salaadda roob doonka, iyaadoo Madaxweynuhu uu Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ka beryay inuu umaddiisa ka dul qaado abaarta iyo colaadda , isla markaana uu caafimaad siiyo inta xanuusan sidoo kalena uu ugu deeqo roob khayr qaba oo aan dadka iyo duunyada wax yeelin.





From the comments