U bood dhigaalka

Puntland Oo Xukuntay Dad Lala Xiriirinayo Daacish

Sheeko:Dalka

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada iyo danbiyada culus ee Puntland ayaa  xukuno dil iyo xabsi daa’in iskugu jira ku xukuntay 5 qof oo maxkamadu  ay sheegtay inay heshay inay ka tirsan yihiin kooxda la magacbaxday Daacishta muumin ee ku sugan Puntland.

Gudddoomiyaha Maxkamadan xukunka  samaysay   Col Cabdifitaax  Xaaji Aadan  ayaa sheegay in Eedeysanayaasha qaarkood ay qirteen inay kamid yihiin ururka Daacish halka qeybtoodna ay  baaris ka dib  uu ku cadaaday dambigu .

Dhagasigan dacwada oo ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Bosaaso  ayaa guddoomiyaha maxakamada darajada koobaad ee ciidamada Puntland waxa uu  ku dhawaaqay in  dil lagu xukumay Cabdulaahi Maxamed Aadan oo 23 jir ahi kuna dhashay degmada Baydhabo  kaasi oo tobobar ka soo qaatay shanlanbood  islam karnaa ka soo dagaalamay.

Sidoo kale  waxa dhagaysiga dacwada ka dib dil lagu xukumay  Axmed Aadan Cabdulaahi  oo 26 jir  ah kaasi oo  la sheegay inuu ka mid yahay tobobarayaasha Al-shabaab iyo daacish.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland  waxay  iyagana  xabsi-daa’in ku xukuntay labo ka mid eedaysanayaashii maxkamada la horkeenay oo kala ahaa Saalax Xuseen Ibraahim  oo 26 jir, kuna dashay gobolka Baay iyo Cabdifitaax Jamaal Cabdi oo 19 jir ah, kuna dhashay degmada Afgooye.

Col-. Cabdifataax Xaaji Aadan  ayaa sheegay in  20 sanno oo xariga ah lagu xukumay Cabdikariim Siciid Cabdi  oo ah 28 jir oo hore loogu qabtay  isaga oo sita lix bistooladood oo uu sheegay in aanu garayanin cid u soo dhiibtay halka bistooladihiina  ay maxakamadu u xukuntay dawladda Puntland , waxayna maxakamadu xorriyadiisa u soo celisay Cabdirisaaq Xayir Dacar oo ka mid ahaa maxaabiista hore u eedaysnaa kaasi oo uu guddoomiyuhu sheegay in dambigii loo haystay oo ahaa rasaas lagu qabtay    uu eediisa iska leexiyey ka dib markii uu fududeeyey in la helo nin kale oo u soo dhiibay.

Qareenka u doodayay eedaysanayaasha xukunka lagu riday, Maxamuud Cawed Cumar  ayaa sheegay inuusan ku qanacsanayn xukunka dilka iyo xabsi daa’inka lagu riday , islamarkaana uu rafcaan uu ka qaatay

Gees kale, maxkamadu waxay amar ku bixisay in Farxaan cabdullaahi Faarax oo da’diisu ka yar tahay 15 sanno lgu wareejiyo Wasaaradda Cadaaladda Puntland si loo dhaqanceliyo.

Puntland iyo ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin ururka  Daacisha ayaa bishii tobnad ee sannadkan  ay weeraro ku dhex mareen ciidamada Puntland  iyada oo kooxdan daacishta Soomaaliya aymar la wareegeen deegaanka Qandala ee gobolka Bari.

Goobjoog News