Waxaa maanta fashilmay doorashada lagu ballan sanaa ee guddoonka labada aqal, arrintaas oo mugdi-gelisay in Soomaaliya ay madaxweyne yeelato November 30-keeda.
Guddiga doorashada dadban ee federaalka ah oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in hadda ay muhiimadda saarayaan in la dhameystiro doorashada aqalka hoose, guddiga waxaa ay ka gaabsadeen dib u dhaca doorashada iyo sida madaxweyne lagu dooran karo todobaad gudahiisa?
Dhinaca kale, doorashada Xildhibaannada ayaa sida caadiga ah uga socotay magaalooyinka Kismaayo, Jowhar iyo Garoowe, guud ahaan ilaa 139 Xildhibaan ayaa la doortay baarlamaanka cusub, 21 ka mid ah waa haween.




From the comments