Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose lagu soo gebogebeeyo doorashada xildhibaannada aqalka hoose, gaar ahaan xubnaha kusoo aadey maamulka Jubbaland.
Waxaa maanta la filayaa in Kismaayo lagu doorto 3 kursi oo ka mid ah aqalka hoose, waxaana kuraastan ay yihiin kuwa kaliya ee dhanka Jubbaland ku harsan.
Ergooyinka doorashada waxay horey u doorteen 40 Kursi, waxaana markii Saddexdaan lagu daro sidaasi ku dhameystirmaya 43 kursi ee beelaha dega Jubbaland looga qoondeeyey aqalka hoose ee baarlamaanka.




From the comments