Madaxweynaha Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta waxa uu kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka Midowga Yurub Soomaaliya Ambassador – Ms Veronique LORENZO.
Kulankani ayaa waxaa looga hadalayay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Xaalada magaalada Gaalkacyo, Arrimaha Doorashooyinka, waxbarashada, ciidamada iyo Hormarinta Adeegyada Bulshada.
Arrinta magaalada Gaalkacyo ayaa kulanka xoogga lagu saaray waxaana Midowga Yurub ay sheegeen in ay gacan ka geysanayaan sidii colaaddaas loo soo afjari lahaa.





From the comments