Laba nin ayaa xalay lagu dilay gudaha magaalada Hargeysa , labadaasi mid ka mid ah waxa la dilay isaga oo ku jira Faramashi uu ku lahaa degmada Ibraahim Koodbuur kadib markii uu nin madaxa soo duubtay uu ugu soo galay goobtiisa, madaxana kaga furay rasaas.
Ruuxa kale ee lagu dilay magaalada Hargeysa waxaa isna dilay askari ka tirsan ciidanka booliska Hargeysa, waxaana dilkiisa sababay kadib markii gaari uu la socday askariga iyo mid kale oo uu saarnaa marxuumka ay isku khilaafeen marista waddo ay ku kulmeen, taasna ay keentay in askariga uu rasaas furo, sidaasina waxa ku geeriyooday askarigii Labaad.
Taliye ku xigeenka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Iimaan Fooxle ayaa sheegay in askarigii wax dilay uu boolisku gacanta ku dhigeen halka ninka madax duubnaanna loo qabtay qof kale oo la tuhmayo inuu la socday .




From the comments