Keating Oo Gaaray Kismaayo
Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose gaarey wafdi uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Micheal Keating.
Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa Keating kusoo dhoweeyey garoonka Kismaayo, waxaana ulajeedka uu u tagey halkaasi tahay sidii uu goob joog uga ahaan lahaa doorashada aqalka hoose oo Kismaayo lagu soo gebogebaynayo.
Magaalada Kismaayo ayaa lagu doortey xildhibaannada 42 mudane oo ka tirsan xildhibaannada aqalka hoose, waxaa haray oo kaliya 1 mudane, kaasi oo maanta doorashadiisa lasoo gebogebeynayo.
Jubbaland ayaa noqon doona maamulkii ugu horreeyey ee soo gebogebeeya doorashada xildhibaannada aqalka hoose, gaar ahaan saamigii kusoo aaddey maamulkaasi.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News