Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka oo garab ka helaya kuwa Koonfur Galbeed iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah ayaa gabal dhacii shalay ka dhacay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.
Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaadey fariisin ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado socday.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey 6 ruux oo u badan dhinacyadii dagaallamay, ku dhowaad 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay goob joogayaal inoo xaqiijiyeen.




From the comments