Hal askari ayaa la xaqiijiyay oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya inuu maanta ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay dhanka galbeed ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo wata ciidamada maamulka iyo ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa kala dhex galay ciidamo beeleed ku dagaallamayay dhul buuraley ah oo ku yaalla galbeedka Hiiraan.
Wariyaha Goobjoog News ayaa soo sheegaya in askari ka tirsanaa ciidanka dowladda uu dhintay intii la kala qaadayay labada malleeshiyo beeleed.




From the comments