Maamulka Galmudug ayaa sheegay in mar walbo ay diyaar u yihiin difaaca dalka iyo dadkooda, islamarkaana ay garab siin doonaan cid walbo oo isku diyaarisa in dalka ay difaacdo.
Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi oo ka hadlayey dagaal dhawaan dad deegaanka ah iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ayaa sheegay in shacabka ay ka caawin doonaan wax walbo oo Galmudug uga soo baahdaan.
Waxa uu madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku adkeeyey shacabka ku dhaqan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo in mar walbo ay iska kaashadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Al-shabaab iyo cid walbo oo amni xumi waddo.




From the comments