Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo gabal dhacii shalay ka dhacay deegaan ku dhow degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Wararka waxay sheegayaan in Miinadan oo ahayd mid dhulka lagu aasey ay ku qaraxday askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka iyo dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Sabuun oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Mahadaay.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintey dad gaaraya 5 qof, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaana dadka waxyeellada soo gaartey isugu jiraan shacab iyo askar.




From the comments