Faah faahin: Maxaabiis Isku Deldeshay Xabsiga Berebera
Laba maxbuus oo maskax ahaan u jiran ayaa isku dhex deldelay xabsi ku yaalla magaalada Berbera.
Labadan maxbuus oo dambiyo kala duwan u xiran ayaa lagu kala magacaabaa Ibraahim Waceys Aadan oo geeriyoodey iyo Cabdi Cali Xaashi oo isaga lagu guulaystay in la badbaadiyo inta aysan naftu ka bixin kadib markii laga jaray xarigii qoorta uga xirnaa.
Labadan maxbuus oo da’da Soddomeedyada ku jiray ayaa wasiirka caddaaladda ee Somaliland uu xaqiijiyey inay ahaayeen maxaabiis aan maskax ahaan caafimaad qabin isaga oo sheegay in sababta ay isku deldeleen ay ahayd xanuunka uga jira dhanka maskaxada .
Wasiirka oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa yiri “Labada nin ee is deldelay waxay ahaayeen kuwa aan caafimaad ahaan fayoobayn oo maskaxda ayaa ay ka jiranaayeen midkoodna waa geeriyooday midna waa noolyahay oo waa la badbaadiyey arrintana waanu sii baaraynaa oo hawlo ayaa hadda ku socda”
Wasiirku waxa uu arrintaasi ku tilmaamay inay la qabaan maxaabiista dunida oo uu ku sheegay inay dhibaatooyin badan la kulmaan madaama ay yihiin dad xorriyadoodii laga qaaday .
Hadalka wasiirka kadib xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa madaxweyne Siilaanyo ka codsaday in uu wasiirka cadaaladda maxakamad hor keeno iyo in waliba ehelkii maxaabiistaasi ay dacwad ku soo oogaan wasiirka madaama uu xabsi ku hayey dad aan maskax ahaan fayoobayn oo ay mamnuuc ka tahay in marka horeba la xiro .
Xoghayaha cadaaladda ee xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi ayaa u hadlay xisbiga Waddani” Wasiirka waxaanu u sheegaynaa inuu gef weyn ka galay caddaalada sababta oo ah waxa uu xirtay dad aan caafimaadkooda maskaxeed dhammaystirnayn sidaasi darteed waa in ehelkii maxaabiistaasi ay dacweeyaan madaxweynuhuna waa inuu wasiirka caddaalada horkeeno , dambiga uu doono ha galee qofkii aan caafimaadka maskaxdu u dhammayn waa in la daryeelo oo dib u dejin loo sameeyo ka dibna dambiga lagu oogo”.
Somaliland ayaa hore loogu dhaliilay qaabka la tacaamulka maxaabiista iyada oo dhawaana qoraal ay soo saartay hay’ada xuquuqda Aadmig ee Amnest international ay ku sheegtay in haween maxaabiis ah lagu kufsadya xabsig a haweenka u gaar ah oo ku yaalla magaalada Gabiley walaw maamulka xabsiguna uu been abuur ku tilmaamay
Goobjoog News