Illaa seddex kursi oo ka tirsan golaha shacabka dowladda federaalka ayaa maanta lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Kursiga koowaad oo ay ku tartameen seddex musharrax waxaa ku guuleystay kursiga xildhibaannimo Cabdirisaaq Axmed Maxamed 28 Cod halka Cali Nuur Xuseen uu helay 22 Cod musharrixii kale Maxamed Aadan Geeddi ayaa isna ku haray wareeggii koowaad ee codeynta.
Kursiga labaad waxaa ku tartamayay Cali Sheekh Xasan Cusmaan iyo Maxamed Cabdullaahi Axmed waxaana codka uu raacay Maxamed Cabdullaahi Axmed oo helay 38 cod.




From the comments