Galmudug Oo Ka Hadashay Dagaalka Xarardheere
Sheeko:Dalka
Maamulka Galmudug ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dagaallo maalmahan ka dhacayay degaanno ka tirsan gobolka Mudug.
Dagaalladani oo ka socda degaannada Dumaaye iyo Dabagalo ee hoostaga magaalada Xarardheere ayaa u dhaxeeya dadka degaanka iyo Alshabaab.
Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Galmudug ayaa lagu sheegay in dagaallada ay qeyb ka yihiin ciidamo ka tirsan maamulkooda, islamarkaana kuwa kale oo dheeraad ah iyo saanad ciidanba loo diri doono degaannadaasi.
Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Taardhuleed ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Cadaado in Galmudug ay taageeri doonto dadka degaanka ee degaankooda difaacanaya.
Hoos ka akhriso qoraalka Galmudug:
Goobjoog News