Jowhar: Doorashada Aqalka Hoose Oo Socota
Sheeko:War

Wararka laga helayo hoolka doorashada aqalka hoose ee Jowhar ayaa sheegaya inay billaabatay doorashada aqalka hoose.
Maanta ayaa qorshaha uu yahay in lagu soo doorto magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle illaa labo kursi.
Kursiga koowaad waxaa ku tartamaya Axmed Xasan Aadan, Maxamed Cabdullaahi Axmed, Maxamed Xasan Aadan iyo Xuseen Cabdi Cilmi
Kursiga labaad ayaa isna waxaa ku tartamaya Aamina Maxamed Cabdi, Maxamed Aadan Daahir, Maxamed Nuur Xuseen iyo Sacdiyo Mustaf Axmed.
Codeynta kursiga koowaad ayaa socoto iminka iyadoo kursiga labaadna loo gudbi doono markii taas ay soo dhammaato.
Goobjoog News