Ciidamo la sheegay iney ka tirsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaaliya ayaa maanta waxay magaalada Muqdisho ku xireen mid ka mid ah waxgaradka 135-ta Oday dhaqameed ee soo xulay baarlamaanka.
Maxamed Jaamac oo kamid ah waxgaradka ka yimid Somaliland ayaa goor dhow u xaqiijiyey Goobjoog News in xabsiga loo taxaabay Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed Buraale oo kamid ahaa waxgaradka 135.
Waxa uu sheegay Maxamed in ciidamo xiran dareeska Nabad sugidda ay soo galeen Hoteelkii uu Suldaanka ka deganaa magaalada Muqdisho kadibna loo sheegay inuu xarig yahay.




From the comments