Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa soo gaarey qoysaskii ugu badnaa ebed ee kasoo barakaca abaaarta ka jirta gobolka Hiiraan kadib xaalad adag oo dadkaasi lasoo deristay.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dadka soo gaarey B/weyne ay yihiin dad u baahan gurmad dhan walbo leh.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dadka kusoo barakacay magaalada Baladweyne ay u badanyihiin haween iyo carruur ku noolaan waayey deegaannadii ay ku sugnaayeen ee duleedka magaaladaasi ah, kadib abaar halkaasi ku dhufatey.




From the comments