Beelaha Gabooye waxay ka cabanayaan inaanay ka heli saamigooda xilalka Somaliland ee la magacaabo , waxayna arrintaasi ku tilmaameen caddaalad darro uu kula kacay maamulka talada haya ee madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo .
Suldaan Daahir Xasan Khaliif oo ah suldaanka Guud ee beelahan Gabooye ayaa sheegay in beeshiisu ay cabasho ka sheeganayso Somaliland isaga oo waliba codsaday in wax laga qabto arrintooda “ dhawaan iyo markastaba waxa la sameeyaa isku shaandhayn iyo magacaabis xilal cusub oo xukuumadda ah beelaha Gabooye meelna lagagama soo darin dhawaan waxa ugu dambeeyey garabka dhallinyarada ee xisbi xaakimka Kulmiye oo hoggaan loo sameeyey beelaha Gabooye qofna lagagama darin , waxa ka horeeyey agaasimayaal iyo wasiir iyagana sidoo kale “ ayuu yiri Suldaanku.
Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo warbaahinta kula hadlaayey magaalada Burco ayaa sheegay in beeshiisa uu uga digaayo inay wax taageero ah siiyaan xisbiga Kulmiye ee dhalay xukuumadda hadda talada haysa madaama sida uu sheegay ay xilalkii dawladda ka qayb-gelin waayeen “ waxaan ugu baaqayaa beesha aan ka soo jeedo in ay iska jiraan inay mar kale ku hugoobaan inay taageero cod iyo mid siyaasadeedba u muujiyaan dawladda talada haysa sababta oo ah waxa cashar inoogu filan waxii dhacay” ayuu yiri Suldaanku.




From the comments