Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in maanta aynaan ka socon wax doorasho ah.
Doorashada aqalka hoose ee ka socotay Jowhar ayaa hakad gashay kadib uu soo if baxay khilaaf ka dhashay kuraasta loo tartamayo qaarkood.
Wariyaha Goobjoog News ayaa soo sheegaya in madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble iyo guddiga doorashada heer federaal uu soo kala dhex galay khilaaf ku aadan kuraasta dhiman qaarkood.




From the comments