Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay u ruqaansadeen dhanka degmada Qandala, halkaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno sheegay iney ka tirsan yihiin ururka Daacish.
Wariyaasha Goobjoog ee Punland ayaa soo sheegaya in ciidamo badan oo Puntland ah ay afka aadiyeen dhanka degmada Qandala oo markii hore ay ku dhowaayeen.
Shacabkii ku dhaqnaa degmadaasi ayaa xilli hore isaga barakacay degmadaasi, waxaana dadka qaar ay doonyo ku gaareen magaalada Boosaaso.




From the comments