Rag hubeysan ayaa maanta waxay weerar xooggan ku qaadeen gaadiid uu la socdey guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi xilli uu ka amba baxay degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Guddoomiyaha ayaa kusii socday degmada Jalalaqsi, hase ahaatee raggan hubeysan oo loo maleeyey iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa weerarey guddoomiyaha iyo ciidankii la socdey.
Guddoomiye Maxamed oo la hadlay Goobjoog News wuxuu sheegay in uu isaga badqabo, islamarkaana ay dhaawacmeen Labo kamid ah ciidankii isaga ilaalada u ahayd.




From the comments