Booliiska Kenya ayaa hub ka dhigis ku bilaabay qabaa’illada Soomaalida ee deggan waqooyi beri dalka Kenya gaar ahaa dadka deggan xadka.
Arrintan ayey sheegeen saraakiisha deegaanka in looga gol-leeyahay sugidda ammaanka.
Iskuduwaha gobolka Mohamud Saleh ayaa waxaa uu sheegay in uu rumeysan yahay in hub badan uu ku jira gacan qaldan isla markaana loo adeegsan karo weeraro ay kooxda Al-shabaab soo qaado.




From the comments