Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xasan Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney baaritaan ku hayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo lagu eedeeyey iney xabsiyada kasii daayeen eedeysanayaal.
Waxa uu tilmaamay xeer ilaaliyaha iney maqleen rag badan oo xabsiyada ku jirey islamarkaana maxkamadi ay xukuntay in si sharci darro ah lagu sii daayey, waliba ay arrintaasi ka dambeeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo aanu magacyadooda sheegin.
Baaritaanno ayuu sheegay iney ku hayaan mas’uuliyiintaasi, islamarkaana haddii ay kuu cadaato in maxkamad la’aan ay dadka xabsiyada kasii daayeen ay cadaallada la kori doonaan.




From the comments