Mas’uuliyiin Diidey Xil Looga Magacaabey Somaliland
Khadar Xaaji Cabdillaahi oo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo xalay u magacaabay wasiirka dalxiiska iyo dhaqanka iyo Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo isna loo magacaabay guddoomiyaha Hargeysa ayaa labaduba iska casilay xilkii loo magacaabay.
Labadan mas’uul oo saacado kooban gudahood kaga cudur daartay xilkan ayaa siyaabo kala duwan u sababeeyey, waxayna labaduba sheegeen inaanay qaban doonin xilalkaasi.
Khadar Xaaji Cabdilaahi oo ah maamulaha dugsi sare oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla Hargeysa ayaa warbaahinta u sheegay in aanu ku qancin xilka wasiirka dalxiiska ee Somaliland waxaanu ku sababeeyey inaanay ahayn wasaarad jirta oo dhisme iyo xafiisyo gaar u ah leh.
Magaca dalxiiska iyo dhaqanka ayaa hore u hoos tagi jiray wasaarada warfaafinta Somaliland iyada oo ay cabasho soo noq-noqota ay bahda dhaqanka oo fanaaniintu ugu xooggantahay ay ka sheegtaan xafiis la’aan ku haysta wasaarada warfaafinta dhexdeeda .
Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo isna war-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Somaliland lagu sheegay inuu noqon doono guddoomiyaha Hargeysa ayaa isna sheegay in aanu xilkaasi qaban doonin , waxayna wararku sheegayaan in uu ka biyo diiday arrintan magacaabista waqtigan oo dad badani u fahmeen inay tahay olole madaxweyne Siilaanyo xisbigiisa Kulmiye ugu raadinayo cudud siyaasadeed.
Cabdirsaaq Waaberi ayaa isagu horey Somaliland uga soo qabtay xilalka wasiirnimo ugu dambayna waxa uu ahaa guddoomiyaha Saylac oo dhowaan iyadna loo magacaabay magaca gobolka Salal.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sannadkan oo kaliya Saddex jeer sameeyey magacaabis iyo xil ka qaadis iyada oo masuuliyiinta la magacaabay ay mararka qaar gaareen in 40 masuul hal mar la wada magacaabo .
Goobjoog News