Duqa magaalada Baladweyne Cumar Aadan Deeqow ayaa socdaal ku tagey qaar kamid ah deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannadii ay kusoo barakaceen qaar kamid ah dadkii kasoo barakacay abaarta ka jirta deegaanno kamid ah gobollada dalka.
Socdaalka duqa Baaladweyne waxaa ku wehlinayey mas’uuliyiin ka kala tirsan maamullada degmooyinka Baladweyne, Matabaan iyo maaamulka gobolka Hiiraan, waxaana deegaannadii ay tageen kamid ahaa, Cowmaad, Madhow, Geel Ku Dhal iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Socdaalka mas’uuliyiintan ayaa ku aadanaa sidii ay u kormeeri lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka abaartu hayso iyo sidoo kale qeybinta raashiin uu soo dhiibey Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya, una soo wakiishay duqa B/weyne.





From the comments