Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu maanta ku wajahan yahay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wariyaha Goobjoog ee magaaladaasi Mascuud C/laahi ayaa soo sheegaya in ammaanka guud ee Kismaayo aad loo adkeeyey, islamarkaana la filayo wafdiga uu madaxweynaha hoggaaminayo in goor dhow halkaasi ay gaaraan.
Waxaa xiran qaar kamid ah waddooyinka magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi lagu soo daadiyey ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo amniga sugaya.




From the comments