Inta badan waxaa la doortey xildhibaannada aqalka hoose, iyadoo la filayey in xildhibaannada la doortey loo sameeyo Kaararka aqoonsiga, balse arrintaasi ay dib u dhacday.
Guddiga doorashada dadban ee Heer Federaal ayaa Goobjoog News u sheegay waxa hortaagan in kaararka aqoonsiga la siiyo xildhibaannada la doortey ee Labada aqal.
Afhayeenka guddigan Maxamed Keynaan oo la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in Kaararka bixintooda u xaniban yihiin oo kaliya dhameystirka doorashada xildhibaannada doorashada xildhibaannada harsan iyo sidoo kale jawaab ay ka sugayaan guddiga xallinta khilaafaadka oo ku mashquulsan xallinta kuraas lagu muransan yahay.




From the comments