Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka DR Ibraahim Iidle Suleymaan waxaa socdaalkani ku wehlinaya xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo uu horkacayay madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi.
Wafdiga ayaa madaxtooyada magaalada Cadaado kulan kula qaatay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, waxaana laga wada hadlay arrimo dhowr ah.




From the comments