Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa baarlamaanka federaalka ee waqtigiisa uu dhammaaday ayaa mar kale kamid noqonaya baarlamaanka cusub ee dowladda soo socota.
Doorashada aqalka hoose ee ka socota magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayuu ku soo baxay maanta kadib markii uu tartan doorasho ah u galay Jeesow kursigani xildhibaannimo.
Kursiga uu ku guuleystay Daahir Amiin Jeesow ayaa waxaa kula tartamayay musharrax lagu magacaabo Xamza Aadan Xaadow waxaana codeynta kadib guddiga ay ku dhawaaqeen natiijada doorashada.




From the comments