Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo madaxda madasha Wadatashiga qaranka, waxaana shirkaan uu yahay mid looga hadli doono arrimaha la xiriira doorashooyinka.
Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada dalka sida Jubbaland, Koonfurgalbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Puntland ayaa shirkaasi ka qeybgali doona.
Waxyaabaha shirka looga hadli doono waxaa kamid ah dardargelinta howlaha doorashooyinka oo meel Gabogabo ah maraya iyo sidoo kale arrinta la xiriirta cabasho ay qabto Puntland.




From the comments