Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray xerada ciidanka xoogga dalka ee duleedka Kismaayo isagoo sidoo kale halkaas kula hadlay ciidamo dhameystay tababar ciidan.
Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, Xasan Sheekh ayaa ciidanka waxa uu ku dhiirageliyey diyaar-garowga ay u galeen in ay dalka difaacaan.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladdu ay xog ogaal u tahay xaaladda ay ciidanku ku sugan yihiin, waxa uu intaa raaciyey in lagu dadaali doonno dhammeystirka baahida ciidanka dhan walba iyadoo la eegayo awoodda dowladoodu leedahay, laakiin ahmiyadda koobaad la siin doono ciidammada Qalabk Sida.





From the comments