Ururada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA ayaa kulan muddo Saddex maalin ah uga socdey magaalada Muqdisho waxay maanta ku doorteen hoggaan cusub.
Xubnaha ururkaan ayaa doortey guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen kadib markii uu waqtiga ka dhammaadey guddoomiyahii hore ee SOSCENSA C/laahi Maxamed Shirwac.
Xilka guddoomiyaha waxaa u tarmayey musharraxiinta kala ah Diini Maxamed Diini oo helay 39 cod iyo Cismaan Muxyadiin Cali oo isna helay 24 cod.




From the comments