Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa ka hadlay abaarta ka jira meello badan oo dalka kamid ah iyo sidoo kale saameynta ay ku yeelatay dadka iyo Duunyada.
Waxa uu sheegay wasiirka in abaartu tahay mid daran, islamarkaana ugu daran yihiin deegaanno kamid ah Somailand, Puntland iyo Galmudug.
Iskaashiga gudaha iyo midka ka yimaada caalamka ayuu sheegay wasiirka in loo baahan yahay in loo isticmaalo sida ugu haboon, maadaama abaartu tahay mid daran.




From the comments