U bood dhigaalka

Wasiirka Dhalinyarada Nuux Iyo Shakhsiga La Tartamaayey Oo Laga Reebay Tartanka Aqalka Hoose

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada dadban ayaa tartanka doorashada aqalka hoose ka reebay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Cabdulahi Xasan Nuux Iyo Axmed Sheekh Nuur Cirro oo labada la sheegay in ay mas’uul ka ahaayeen shaqaaqo ka dhacday hoolka doorashada magaalada Jowhar November 18, 2016-kii.

Wasiir Nuux waxaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa fowdo ka dhacdau gudaha Hoolka halka taageerayaasha murashaxa kale ay bilaabeen xabado ka dhacay dibadda hoolka.

Dhinaca kale, Ugaas Beesha Jidle ayaa la amray in uu soo xulo ergo iyo murashaxiin cusub ee kursigaas loo doorto.

untitleduntitled2