Hal Xildhibaan Oo Cadaado Maanta Lagu Doortay

Doorashada aqalka hoose ee magaalada Cadaado ka socota ayaa mareysa meel gebogebo ah waxaana maanta oo jimco ah la doortay hal kursi oo kaliya.
Illaa hadda magaalada Cadaado ayaa lagu soo doorto xildhibaanno tiradooda ay gaareyso 34 xildhibaan.
Kursiga maanta lagu doortay magaalada Cadaado ayaa waxaa ku tartamayay Faarax Cabdi Xasan iyo Aamina Daahir Salaad.
Markii codadka ay dhiibteen ergada wax dooranaysay ayaa guddiga doorashada ay billaabeen tirinta codadka.
Markii la dhammeeyay tirinta codadka ayaa waxaa guddigu sheegay in Faarax Cabdi Xasan uu ku soo baxay kursiga 34-aad ee baarlamaanka federaalka islamarkaana kaga guuleystay codad dhan 44 cod musharaxaddii la tartamaysay ee Aamina Daahir Salaad
Doorashada labo kursi oo kaliya ayaa dhiman, magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Galmudug.
Goobjoog News