Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Darwiish ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan cid walbo oo dib uga soo laabato xeryaha qaxootiga Kenya, balse ay muhiim tahay in dadkaasi ay helaan xanaano.
Wasiirka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Jubbaland aaney marnaba qarash ku raadineyn qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya, islamarkaana dib dalkooda ugu soo noqonaya, balse waxa ay doonayaan kaliya ay tahay in dadku ay helaan nolol ka wanaagsan middii ay ku noolaayeen.
“Dhaqaale in nalagu siiyo ma rabno, ee waxaan dooneynaa in dadka dhaqaalihii lagu siinayey Dhadhaab in lasoo raaciyo si noloshooda ugu maareeyaan, dhulka ay degayaan waa meel u baahan la qabsi, marka wixii ay meesha ku heysteen waa qasab in dalkoodana ay ku helaan, annagane waxaan ku dadaaleyno waa intaas” ayuu yiri wasiirka




From the comments