Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab kadib howlgallo ay sameeyeen ciidamada dalkaasi.
Lt. Col. Paul Njuguna oo ah afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Haluuqa ee dalkaasi ay ku dileen 4 ruux oo la aaminsanyahay iney ka mid ahaayeen Xarakada Al-shabaab.
Waxa uu tilmaamay afhayeenka in dadkan ay dileen ay la dagaallameen ciidamada Kenya oo deegaanka Haluuqa ka wadey howlgallo amniga lagu xaqiijinayey.




From the comments